Dil uu geystay Maxamed Cajiin: Dhibane, Abgaal, Harti Abgaal, Warsangeli

2ka bishii Oktober 2023, Maxamed Cajiin iyo Mooryaan la shaqeyso, waxay si bareer ah u toogteen marxuumka sawirkaan hoose.

Marxuum u dhashay Abgaal, Harti Abgaal, Warsangeli, reer Indha yar
Marxuum u dhashay Abgaal, Harti Abgaal, Warsangeli, reer Indha yar

Marxuumka ayaa ahaa shaqaale ka shaqeyneyey dhisida Guri uu ka dhisanayey Odawa Yusuf Rageh (Chief of the Somali National Armed Forces ) meel aan ka fogeyn halka uu Maxamed Cajiin sida xaaranta ah ku dagay.

Marxuumka ayaa waxaa shaqadiisa ka hor-istaagey mooryaan ay Xil. Maxamed Cajii qaraabo yihiin, kuna amray in uu shaqada joojiyo, madaama ay wadada iyo xaafadda u xiran tahay Maxamed Cajiin.
Markii uu ka dhaga adeegay, marxuumka waxaa xabad feeraha uga dhuftay Moryaanka sawirkiisa hoos yaala, marxuumkaan muruq-maalatada ahaa, halkaas ayuu ku geeriyooday.

Mooryaan dilay Marxuumka Warsangeli oo ay Maxamed Cajiin Qaraabo yihiin
Mooryaan dilay Marxuumka Warsangeli oo ay Maxamed Cajiin Qaraabo yihiin

Inta kadib, waxaa kusoo baxay Madax Ciidan Booliska ee degmada Cabadcasiis, isagoo mooryaankii dilka geystay u dhaadhiciyey CID-da. Balse nasiib darro, waxaa ka daba tagay ‘masuuliyiin’ uu dirsaday Maxamed Cajiin oo isla maalintiiba kasoo daayey xabsiga CID-da.
Madaxa Ciidamada Booliska oo ay dhowr jeer oo hore isku dhaceen Maxamed Cajiin, arrimmo la xiriir boob dhuleed, ayaa la faray in uu Xildhabaanka faraha ka qaado si shaqdiisa ugu bad-baado.

Arrinkaan ayaa waxaa iska kaashaday Taliha Ciidmada Booliska Gen. Sulub Axmed Firin, ugolaashana uga heysta Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis, Ubax Saalax Xaashi.

Qaraabada oo ka dhasahay marxuumka oo ah: Abgaal, Harti Abgaal, Warsangeli, reer Indha yar, ayaa si jees-jees ah lagu war-geliyey in ay Diyo qaataan, lacag gaareyso 30 kun oo dollar.
Waxaa nasiib-darro ah in ay odayaal ka socday Indha Yar ay diideen diyada, balse heli waayeen Awood ama Sharci ay u cugsadaan intaba.

Dilkaan iyo boob dhuleed oo badan, oo uu Maxamed Cajiin ka geystay magaalada Xamar, ayaa ilaa iyo hadda taagan, isla markaana la filayaa in ay amni darro badan sabab u noqon doonto.

Leave a Comment

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply